Welcome to git-github-bootcamp Discussions! #85
Replies: 22 comments 12 replies
|
👉 🚀 Git & GitHub Bootcamp: Maxaad Ka Faa’iiday? |
|
Magacaygu waa Abdulahi-Geedi., jooga Nairobi kenya. Waxan ahay arday bartay Software Development, Data analysis, iyo Artificial Intelligence (AI). Waxaan aad u xiiseeyaa barashada teknoolojiyadaha cusub, xallinta dhibaatooyinka, iyo horumarinta xirfadahayga maalin kasta. waan kaga mahadcelinaya sida aad noogu hagar baxday barashada git-github bootccome shukran ustaadii. |
|
Qiyaas Command-ka Waxaad rabtaa inaad branch kale aad aado adigoon isbadaladii yaalay branch ga aad hada joogtid aadan commit kusamayn command kee isticmaalaysaa? A. git stash B. git fetch C. git diff D. git restore |
|
Magacaygu waa Abdirahman, waxaan joogaa magaalada Mogadishu. Waxaan bartay kulliyadda Computer Science and Information Technology. Marar badan waxaan isku deyay inaan si fiican u fahmo Git iyo GitHub waxa ay yihiin, waxaana fiirsaday crash courses badan oo YouTube ka buuxa, laakiin arrintu way igu adkaatay. Markii aan kusoo biiray bootcamp-kan ay bixinayso Gooblabs ee ah Git & GitHub bootcamp, ayaa maskaxdu ii furantay oo aan si dhab ah u fahmay sida ay u shaqeeyaan. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan bulshadan ka mid noqdo, waxana diyaar u ahay inaan idinla wadaago fikradaha iyo khibradahayga! 🚀 |
|
Magacaygu waa mubarak caydiid waxaan aad ugu farax sanahay inaan bootcamp kan muhiim ka ilaahay iigu deeqay waxaan intu bootcamp kan socday kafaa iday sida open source ushaqeeyo wuxu yahay sida looga qayb qaato sida branch loogu maamulo project gaaga markii hore commands git ah wan qori jiray laakiin wax macne ah iigumay fadhin yacni aqoon uma lahayn git add waa dhihi kari jiray uun laakiin iminka git add iyo commit , push ,remote ,clone , fork , stash switch , fetch , merge, pull request dhamaan commands kan maanta waa kuwa macno buuxa iigu fadhiya oo aan githubkayga kaga dhigayo qaar professional ah Alhamdulillah waxan aad ugu mahad celinaya team goobo labs ustaad sharafdin iyo omar sidoo kale dugsiiye oo ah isna sponsor ka ah dhamaan bootcampskii laqabtay aniga ahaan wax badan ayay igashteen ogaalkayga dhanka technology kana waa bootcamp kii 2aad oo aan kaqayb galo mahadsanid dhamaan team dugsiiye iyo goobo labs.❤️ |
|
Magacaygu wan Cabdullaahi Ibraahim Cumar, waxaana ahay arday dhigta computer science. Bootcamp-ka Git & GitHub wuxuu ii ahaa waayo-aragnimo waxbarasho oo qiimo leh. Intii aan ku jiray xerada bootcamp-ka, waxaan kasbaday xirfado wax ku ool ah oo lagama maarmaan u ah horumarinta barnaamijyada casriga ah. |
WhatsApp.Video.2026-07-26.at.11.40.37.mp4 |
|
magacaygu Abdulkadir Mohumed waxan ahay arday barta sotware engineering. runtii bootcamp-kaan waxa uu ii noqday mid indheheeyga kala fura oo itusay inuu iga maqnaa cashir-kii ugu muhiimsanaa saaxadda development-ga. ustaad @sharafdin iyo dhamaan bahda goobo labs waa ku mahadsanyihiin sida ay noogu hagar bexeen. |
|
Asalaamu Calaykum dhammaan. 👋 Magacaygu waa Abdighafar. Waxaan ahay arday barta Programming. Waxaan ku soo biiray Bootcamp-kan Git iyo GitHub si aan u horumariyo xirfadayda barnaamijyada. Markii aan Bootcamp-kan bilaabay, aqoon badan uma lahayn Git iyo GitHub, balse hadda waxaan bartay sida loo abuuro repositories, loo sameeyo commits, branches, merge, clone, fork, iyo sida GitHub loogu isticmaalo si sax ah. Waxaan sidoo kale bartay sida loo wada shaqeeyo, loo diro Pull Requests, loona xalliyo khaladaadka inta lagu jiro horumarinta mashruuca. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo ardayda ka faa'iidaysanaysa Bootcamp-kan. Waxaan rajeynayaa inaan wax badan ka barto xubnaha kale, su'aalo waydiiyo, isla markaana aan la wadaago wixii aan bartay. Mahadsanidiin dhammaantiin, gaar ahaan @sharafdin, dadaalka iyo aqoonta aad nala wadaagtay. Waxaan rajeynayaa inaan si wadajir ah u horumarno. 🙏🚀 |
|
magaycayga waa abdirahman yonis aad iyo aad ayan ugu faraxsanahy inan kamid noqdo dadka ka faaidaystay bootcamp-kan oo runtii iga cawiyay inan fahmo git and github oo ah must have developer tools |
|
Asc magacayga waa shueb Abdikadir Mohamud waaxaan arday ku nool somaliya waxaan ahay xirfadle ku jira safarakiisa barashada fullstack developer ,Data analytics iyo Atificial intelligence .Runtii bootcamp kahor git iyo githup magaca lee u aqaanay lkn hada waxaa bartay sida u shaqee git iyo githup iyo waxuu qaban karo .waxaan bartay commands muhiimka sida git status,git add ,git commit iyo sidoo projects loo ka clone kareeye pull requests sidoo loo diro iyo collaborations loo sameeyo. |
|
imisa error ayaa ku qabsatay intaad ku jirtay assignment submission ( soo dirista leyliga ) ? waxan idin kula talinayaa error kasta markaad xallidaan inaad qortaan qaabkii aad u xaliday oo notebook ku reebtaan . ani ahaan waxbadan ayaa iqabsaday waana diwaan geliyay si markale aysan iigu soo laaban ama qofkii note-kaas aan siiyo ay u anfacdo. |
|
Asc wa idin salaamay kulligeen waxan aaminsanahay in aan wax badan ka faaidnay Alle haka abaal mariyo Engineerada bixinay bootcampkan |
|
asc wa mariam Runtii bootcamp-kan waxaan ka faa'iiday waxyaabo faro badan — commands badan iyo sida ay u shaqeeyaan. |
|
Asc Dhamaan ardada barata bootcamp-ka Git and GitHub . |
|
Asc @sharfudiin. Magacaygu waa Yousuf Hassan, waxaan ahay arday dhigta Computer Science, sandkiisii 3aad(Junior) waxaan wadaa luuqada Js sidaan ugu noqon lahaa Full Stack web iyo app Development. Waxaan jeclaan lahaa inaad bilowdaan Python Bootcamp, maadaaman uu aduunku imika ku shaqeeyo Laba Luqadoo Js iyo Python. Waxaan sidoo kale rajaynayaa inaan ka qayb galo bootcamp-kaas haddii uu furmo. Mahadsanid waqtigaaga iyo dadaalka aad noo hurayso |
|
Magacayga: Maryan Abdi Hussein Khibraddayda Git & GitHub Bootcamp Anigu hore ayaan u isticmaali jiray Git iyo GitHub, laakiin bootcamp-kan wuxuu iga caawiyay inaan sii horumariyo aqoontayda oo aan si qoto dheer u fahmo habka saxda ah ee loo isticmaalo. Waxaan ka bartay waxyaabo cusub sida collaboration-ka, sida koox ahaan loogu wada shaqeeyo projects, maamulka branches, iyo habka ay developers-ku u isticmaalaan GitHub marka ay dhisayaan mashaariic dhab ah. Bootcamp-kan wuxuu kordhiyay xirfaddayda IT-ga, wuxuuna ii noqday fursad aan ku barto habab cusub oo iga caawin doona horumarinta mustaqbalkeyga. Ugu dambeyn, waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa bahda Gooba Lab, Ustaad Sharafdin iyo Omer, dadaalka, hagidda iyo aqoonta ay nala wadaageen intii uu socday bootcamp-kan. Runtii waxay door weyn ka qaateen horumarinta xirfaddeenna. Mahadsanidiin dhammaantiin. |
|
asc wa mrzaakir bootcamp kan waxan ka faa'iday wax yabo badan commands ka iyo sida ay u shaqeeyaan |
|
Asc asxaabta halkaan ku jirta dhammaantiin waa idin salaamay, salaan kadib waxaan u mahadcelinaa bahda goobolabs gaar ahaan ustaadkeenna @sharafdin oo si barax-tiran noogu faa'iideeyey cilmigiisa naguna dadaaley. mahadsanid ustaad. sidoo kale waxaa dhiirro-gelinaa dhammaan ardayda dhammaan sida dadaalka leh ay uga qeyb qaadanayaan bootcamo-ka. |
|
Asc Macagaygu waa Hamse Mohamoud Ismail Ku Nool Boorama wax ku dhashay Boorama wax ku bartay ku dhalay alx, marka laga yimaado taas Bootcamp wax badan ayaan ka faaidey Git and GitHub Aqoontan u lahayaaa 300% ayey siyaadisay alx macalimiintana wan uga mahad celinaynaa siday nagu hagar baxeen illahey misaanka xasanaadka ha nigu daro |
|
Asc, Magacygu Ruqia wye before I was zero at Git and Github and now Alxmdllh waxbdanaa ka aqaan. Thanks to Goobo labs team. We can't thank you enough mclimiin ajar bdan Allha idinkasiiyo. |

Uh oh!
There was an error while loading. Please reload this page.
👋 Welcome!
We’re using Discussions as a place to connect with other members of our community. We hope that you:
build together 💪.
To get started, comment below with an introduction of yourself and tell us about what you do with this community.
All reactions